Haweeney in ka badan 40- sanno u taagneyd korinta Carruurta Agoomada (Daawo Sawirada)

Kong Zhenlan, oo ah 71 jir ku nool gobalka Shanxi ee dalka Shiinaha, ayaa 40-kii sanno ee lasoo dhaafay waxay noloshayda u hibeysay korinta carruurta agoomada ah – iyada oo aad iskugu xil-qaantay inay helaan cunno  iyo wax-barasho.

In kasta oo ladnaan lagu tilmaamo aysan laheyn, haddana taasi kuma qasbin inay indhaha ka laabato carruurta agoomada, waxayse is tustay inay wax ka qabato.

Maalin iyada oo ag maraysa xarunta lagu xanaaneeyo agoomada, waxay gacanta qabsatay mid kamid ah carruurta, waana isla goortii ay ogaatay waxa la gudboon si ay noloshooda u wanaajiso. Waxay bilowday inay u koriso sida ubad ay dhashay. 47 sanno ee lasoo dhaafay, haweeneydan waxay soo korisay 45 carruur ah oo u badan agoomo, waxaa kale oo ku jira kuwa laga hayaamay.

Qaarkood, kuwa ay soo barbaarisay, waxay noqdeen dhaqaatiir, iyo sharci-yaqaanno.

Carruurta ay soo barbaarisay waxaa ugu curadsan 45 jir; halka ka ugu yarna uu jiro 9 bilood. Maanta, isla carruurtaas ay soo korisay ayaa ku biila mushaharka ay helaan; waxayna ka caawiyaan la korinta kuwa dhawaan-galka ku ah nolosheeda si ay, iyaga oo kale, uga dhigto kuwo is anfaca.

Waxay sameyn jirtay wax walba si ay u hubsato in carruurtani aysan gaajo ku seexan habeenna. Xittaa marka ay weydo wax ay dhuuntooda mariso, waxay u bixi jirtay gudaafadaha si ay uga soo hesho wax dhuuni-gal ah oo ay nafta ugu celiso.

Dhawaan, iyada oo ka hadlaysa geeddigii dheeraa oo ay usoo gashay barbaarinta ubadkan, waxay sheegtay inay kaliya seexan jirtay laba saac habeen walba 40-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Hurdo-seegii dheeraa oo ay ku bixisay koriimadooda, ugu danbeyntii wuxuu u muuqdaa mid aan kaliya mira-dhalin, balse nolosheeda kor u qaaday.

Kong waxay marwalba aaminsaneyd in aqoontu tahay hubka kaliya ee lagula diriri karo faqriga. Sidaas darteed, waxay ku dadaali jirtay in mid walba oo u qaan-gaara ay geyso iskuul. In badan ayaa ka aflaxday wax-barashada oo qaarkood ay noqdeen dhaqaatiir iyo barayaal.

Sheekada ayaa ku baahday dunida Shiinaha, waxaana Kong ay u muuqata mid aan ka daaleyn inay sii waddo halgankeeda fog.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -